HomeWararWararkii ugu danbeeyay Rag hubeysan oo Dil iyo dhaawac ka geystay Boosaaso

Wararkii ugu danbeeyay Rag hubeysan oo Dil iyo dhaawac ka geystay Boosaaso

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin ku hubaysan uu bastoolad maanta toogasho ku dilay marxuum magaciisu ahaa Khadar Cabdi Cali oo guddoomiye u ahaa bulshada kasoo jeeda deegaanada Soomaali Galbeed ee ku nool Boosaaso. Ninka hubaysan ayaa la sheegay in uu marxuumka ku dilay gurigiisa oo ku yaalla xaafada loo yaqaan […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin ku hubaysan uu bastoolad maanta toogasho ku dilay marxuum magaciisu ahaa Khadar Cabdi Cali oo guddoomiye u ahaa bulshada kasoo jeeda deegaanada Soomaali Galbeed ee ku nool Boosaaso.

Ninka hubaysan ayaa la sheegay in uu marxuumka ku dilay gurigiisa oo ku yaalla xaafada loo yaqaan Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaso, sida uu VOA u sheegay goobjooge magaciisa ka gaabsaday sababo ammaan dartood.

- Advertisement -

Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu sidoo kale dhaawac ku gaaray wiil yar oo uu dhalay marxuumka la dilay, wiilka yar ayey ku dhacday raastii aabihii u geeriyooday.

Laamaha ammaanka ee gobolka Bari ee magaalda Boosaaso, ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan ninkii dilka gaystay mana jirto cid sheegatay inay ka dambaysay dilka marxuumka.

Boosaaso ayaa waxaa hore uga dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, waxaana inta badan dilalka magaaladaasi Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka dhaca sheegta mas’uuliyadooda Al-Shabaab iyo Daacish.

Latest stories