HomeWararGolaha Amniga ee QM oo Maanta Cod u qaadaya qaadista Cunaqabateynta hubka...

Golaha Amniga ee QM oo Maanta Cod u qaadaya qaadista Cunaqabateynta hubka ee Somalia

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta lagu wadaa inay Go’aan ka gaaraan qaadista cunaqabataynta hubka ee mudo sanado badan saaran dalka Soomaaliya, waxaana Golaha ay caawa yeelan doonaan kulan looga hadlayo arrintaas. Golaha ammaanka ayaa la horgeyn doonaa labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska, isla markaana waxaa labada qaraar mid lagu tilmaamay […]

- Advertisement -

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta lagu wadaa inay Go’aan ka gaaraan qaadista cunaqabataynta hubka ee mudo sanado badan saaran dalka Soomaaliya, waxaana Golaha ay caawa yeelan doonaan kulan looga hadlayo arrintaas.

Golaha ammaanka ayaa la horgeyn doonaa labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska, isla markaana waxaa labada qaraar mid lagu tilmaamay inuu yahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan oo saaran tan iyo sanadkii 1992-kii.

- Advertisement -

Dowladaha Golaha Ammaanka ee QM oo 15 dowladood ka kooban ayaa maanta ansixinaya labadaasi qaraar, waxaana qaraarka labaad uu isna yahay in dib loogu soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkaan bilowgiisii ka hadlaayay furitaanka kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in cunaqabataynta hubka laga qaadi doono Soomaaliya, isagoo intaas kusii daray in arrintaas ay dowladda dadaalo badan ku bixisay.

Golaha Ammaanka ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii xiligaas oo la tilmaamay in goluhu uu ka hortagaayay qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayay xiligaas gudaha Soomaaliya, kuwaasoo xukunka ka tuuray Madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Siyaad Barre.

Latest stories