HomeWararCali Jeyte Cismaan oo Dagaal cir iyo dhul ah uga dhawaaqay Hiiraan

Cali Jeyte Cismaan oo Dagaal cir iyo dhul ah uga dhawaaqay Hiiraan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Cali Jeyte Cismaan oo ah u Qeybsanaha Xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ayaa ku dhawaaqay dagaal cir iyo dhul ah oo ay ku qaadi doonaan dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle. Cali Jeyte oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dib […]

- Advertisement -

Cali Jeyte Cismaan oo ah u Qeybsanaha Xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ayaa ku dhawaaqay dagaal cir iyo dhul ah oo ay ku qaadi doonaan dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Cali Jeyte oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabanayaan deegaanadii laga xoreeyay sanad ka hor, isla markaana maalmihii lasoo dhaafay isku uruursanayeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida wararka sheegayaan.

- Advertisement -

Wuxuu hadalkiisa intaas uu kusii daray Cali Jeyte Cismaan in dadka kunool deegaannada ay Shabaab gacanta ku hayaan ay isaga soo baxaan, isagoo tilmaamay inay halkaasi ka fulin doonaan dagaal cir iyo dhul ah, waa sida uu hadalka u dhigay Cali Jeyte Cismaan.

Hadalkaan kasoo yeeray hoggaamiyaha Macwiisleyda ayaa noqonaya digniintii labaad oo mudo kooban gudaheed uu u dirayo dadka shacabka ah ee ku nool dhulka Al-shabaab ka taliyaan, isagoona faray iney isaga guuraan deegaan kasta oo uu sheegay inuu yahay bartilmaameed.

Si kastaba, muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa hakad galay howlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab oo ay waday dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Madaxda dowladda ay dhowr jeer sheegeen inay dib u bilaabayaan wejiga labaad ee howlgalada.

Latest stories