HomeWararSawirro: Mahad Salaad oo Maanta kormeer ku tagay Suuqa Bakaaraha

Sawirro: Mahad Salaad oo Maanta kormeer ku tagay Suuqa Bakaaraha

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salad ayaa maanta kormeeray isbedelka amni ee Suuqa Bakaaraha, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay amnigeeda uu soo hagaagay, isla markaana laga hortagay falalkii amni darrada iyo dilalkii ka dhici jiray. Booqashada Taliyaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu hubinayay sida ay ganacsatadu u fulisay amarkii kasoo baxay Taliska NISA ee ahaa […]

- Advertisement -

Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salad ayaa maanta kormeeray isbedelka amni ee Suuqa Bakaaraha, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay amnigeeda uu soo hagaagay, isla markaana laga hortagay falalkii amni darrada iyo dilalkii ka dhici jiray.

Booqashada Taliyaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu hubinayay sida ay ganacsatadu u fulisay amarkii kasoo baxay Taliska NISA ee ahaa in dhammaan ganacsiyadu xirtan kaamirooyinka CCTV.

- Advertisement -

Taliye Mahad ayaa ku dhex lugeeyay suuqa, wuxuu gaar gaar u arkay ganacsatada yar yar iyo maal-qabeennada waa weyn. Si uu u muujiyo isbadalka amni ee ka muuqda Suuqa Bakaaraha, wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha.

Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa uga mahadceliyay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayan ciidanka, fulintooda amarkii kaamirooyinka CCTV.

Sidoo kale waxa uu ballanqaaday in la xoojin doono ilaalinta amnigooda iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adda NISA iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Latest stories