HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse Barre “Guul ayaa laga joogaa Barnaamijka Deyn-cafinta”

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre “Guul ayaa laga joogaa Barnaamijka Deyn-cafinta”

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Dooxada Jubba, ayaa uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran iyo halka la hiigsanayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Dooxada Jubba, ayaa uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran iyo halka la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga Dalka, la-dagaalanka Al-Shabaab, gurmadka daadadka iyo arrimo kale oo la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guul laga joogo barnaamijka deyn-cafinta oo Xukuumaddu ay dadaal ku bixisay, sidoo kale xasilinta amniga caasimadda iyo ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay in dastuurka la dhammeystiro, la dagaalanka Al-Shabaab iyo in la hormariyo dhaqaalaha dalka si dadka Soomaaliyeed u gaaraan barwaaqo iyo nabad.

Latest stories