HomeWararMarkab sida Shixnad Gargaar uu soo diray Ruushka oo soo gaaray Muqdisho

Markab sida Shixnad Gargaar uu soo diray Ruushka oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Soomaliya ayaa maanta kala wareegtay safiirka Dalka Ruushka gargaar Raashin ah kaas oo loogu talo galay Dadka ay saameeyeen fatahaadaha Roobabka iyo Dadka danyarta ah ee ku nool Deegaamadii laga xorreeyey Al-Shabaab. Markabka siday gargaarkan dhan 25 kun tan oo Qamadi ah ayaa ku soo xirtay saaka Dekedda magalada  caasimadda ah ee Muqdisho, halkaas […]

- Advertisement -

Dowladda Soomaliya ayaa maanta kala wareegtay safiirka Dalka Ruushka gargaar Raashin ah kaas oo loogu talo galay Dadka ay saameeyeen fatahaadaha Roobabka iyo Dadka danyarta ah ee ku nool Deegaamadii laga xorreeyey Al-Shabaab.

Markabka siday gargaarkan dhan 25 kun tan oo Qamadi ah ayaa ku soo xirtay saaka Dekedda magalada  caasimadda ah ee Muqdisho, halkaas oo ay gargaarkan kula wareegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya Ambassador Mikhail Alekseevich Golovanov, kaas oo ka warbixiyay deeqdan, wuxuuna tilmaamay inay tahay mucaawino ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ku dhuftay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Cabdillaahi Axmed Jaamac ayaa uga mahadcelyey safiirka Ruushaka gargarkan ay soo garsiiyeen Dadka Soomaaliyeed,wasiirka ayaa xusay in Ruushka iyo Soomaaliya ahaayeen dalal leh xiriir iskaashi oo soo jireen ah.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Ruushka iyo madaxweyne Vladimir Putin, isaga oo sheegay in deeqdan ay tahay tii ugu weynayd ee hada soo gaartay dalka oo ay ka jiraan xaalado adag.

Latest stories