HomeWararKoox Burcad-baddeed ah oo Doon labaad ka Afduubatay xeebaha Puntland

Koox Burcad-baddeed ah oo Doon labaad ka Afduubatay xeebaha Puntland

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Doon nooca kalluumaysiga ah oo dalka Iran laga leeyahay ayaa Arbacadii shalay aheyd waxa ay koox hubeysan oo Burcad-baddeed ah ay ka afduubteen xeebta degmada Qandala ee Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland. Ciidamada dhanka Badda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in burcada hubeysan ee afduubka u geysatay Doonta Kalluumeysi ay ku baxeen, isla markaana […]

- Advertisement -

Doon nooca kalluumaysiga ah oo dalka Iran laga leeyahay ayaa Arbacadii shalay aheyd waxa ay koox hubeysan oo Burcad-baddeed ah ay ka afduubteen xeebta degmada Qandala ee Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamada dhanka Badda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in burcada hubeysan ee afduubka u geysatay Doonta Kalluumeysi ay ku baxeen, isla markaana ay ka raadinayaan dhinaca Badweynta oo suuragal tahay inay burcada la aadeen.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Degmada Qandala Axmed Yuusuf Khuurshe oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Doonta Kalluumaysiga ay kaxeysteen rag lagu tuhusan yahay inay yihiin burcad Badeed, isagoona xusay in raggaas aysan aheyd kuwo iska abaabulay aaga Qandala.

Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ayuu Guddoomiye Axmed Khuurshe tilmaamay inay wadaan howlgal ay kusoo afjarayaan burcada hubeysan ee afduubatay Doonta laga leeyahay dalka Iiraan oo uu sheegay in ay aheyd mid si sharci ah uga kalluumeysata xeebaha Puntland.

Waa doontoo labaad ee kalluumaysi oo Iran ay leedahay laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliy.

Latest stories