HomeWararAxmed Madoobe oo goobjoog ka noqday munaasbaad lagu wareejinayay qalab

Axmed Madoobe oo goobjoog ka noqday munaasbaad lagu wareejinayay qalab

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galay munaasbaad kooban oo lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha, ayaa sheegay in agabkani uu wax weyn ka tari doono horumarinta iyo helidda calaf ku filan xoolaha deegaanka. Mashruucan oo lagu magacaabo RAAISE PROJECT ayaa waxaa maalgelinaysa Midawga Yurub  […]

- Advertisement -

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galay munaasbaad kooban oo lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha, ayaa sheegay in agabkani uu wax weyn ka tari doono horumarinta iyo helidda calaf ku filan xoolaha deegaanka.

Mashruucan oo lagu magacaabo RAAISE PROJECT ayaa waxaa maalgelinaysa Midawga Yurub  iyada oo ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adda FAO iyo Waasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubaland, ayaa xoogga saaraysa sare u qaadista Wax soo saarka Dalka ee ILED (Inclusive Locol Economic Development), waxaana looga golleeyahay in xoolaha ku nool Jubaland ay helaan daaq ku filan, maadaama ay saameyn ku yeelatay dhulkii daaqa ku haboonaa isbeddelka cimillada adduunka.

- Advertisement -

Madasha wareejinta qalabkan waxaa  goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland mudane Mohamed Nuur Cali (Nuuraani) iyo masuuliyiin kasocday Hay’adda FAO.

Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta wax soo saarka dalka ee dalagyada noocyada kala duwan leh.

Madaxwaynaha ayaa faray Wasaaradda Xannaada xoolaha in qalabkan looga faa’iidaysto soo saaridda calaf ku filan xilliyada jiilaalka xoolaha ku dhaqan deegaanka.

Latest stories