HomeWararXaalad adag oo Maanta ka taagan Buur-dhuubo & Qeylo-dhaan loo diray Dowladda

Xaalad adag oo Maanta ka taagan Buur-dhuubo & Qeylo-dhaan loo diray Dowladda

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa xaafadda Muuri ee Bariga degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, halkaas oo qoysas gaaraya 500 oo qoys ay ku go’doomeen kaddib markii ay burburtay buundadii degmada, biyuhuna ay dhinac kasta ka hareereyeen. Dadka xaafadda Muuri ku go’doonsan ayaa la soo weriyay in cuno yari ba’ani ay hayso, waxana saaka xaalad […]

- Advertisement -

Xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa xaafadda Muuri ee Bariga degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, halkaas oo qoysas gaaraya 500 oo qoys ay ku go’doomeen kaddib markii ay burburtay buundadii degmada, biyuhuna ay dhinac kasta ka hareereyeen.

Dadka xaafadda Muuri ku go’doonsan ayaa la soo weriyay in cuno yari ba’ani ay hayso, waxana saaka xaalad caafimaad ugu geeriyooday ilmo yar oo lix sano jir ah, sida uu BBC-da u sheegay Cali Cusmaan Maxamed oo kamid ah odayaasha xaafadda.

- Advertisement -

“Hadda Muuri, xitaa qubuurihii dadka lagu aasi jiray yar iyo weyn dhammaan biyo ayaa fadhiya, ilmaha yar waxan ku aasnay meel aan xabaalo ahayn” ayuu yiri Cali Cusmaan Maxamed.

Dhinaca kale Maamulka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa Qeylo-dhaan u diray dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, iyagoona ka dalbaday in Gargaar deg deg ah lala soo gaaro qoysaska xaalada adag wajahaya ee ku sugan degmadaasi.

Degmada Buurdhuubo ayaa kamid ah meelaha sida ba’an ay u naafeeyeen fataahaddaha ka jira Soomaaliya ee ka dhashay roobabka xoogga leh ee da’aya iyo biyaha badan ee ay wadaan webiyada.

- Advertisement -

Guud ahaan Buurdhuubo ayay biyhu galeen, waxase u daran ayaa la soo sheegayaa xaafadaha bariga degmada ku yaala.

Latest stories