HomeWararWararkii ugu danbeeyay Mas’uul Maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uul Maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Kooxo hubeysan ayaa barqadii Maanta waxa ay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dileen mas’uul ka tirsan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dad ayaa waxa ay ku warrameen in mas’uulka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf ay dabley hubeysan oo watay Bastoolado ay ku dhex dileen hoygiisa, isagoona Marxuumka […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa barqadii Maanta waxa ay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dileen mas’uul ka tirsan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dad ayaa waxa ay ku warrameen in mas’uulka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf ay dabley hubeysan oo watay Bastoolado ay ku dhex dileen hoygiisa, isagoona Marxuumka u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in falka kadib ay goobta ka baxsadeen kooxihii hubeysnaa ee falkaasi khaarijinta ahaa geystay, ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkeenley ayaa tagay guriga uu dilka ka dhacay, kadibna qaaday Meydka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka tacsiyeeysay  geerida Marxuum Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaraddaasi.

Maxamed Yuusuf ayaa ahaa Sawir-qaade ka tirsan Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal loo geystay mas’uuliyiin, Askar iyo dad shacab ah.

Latest stories