HomeWararRa'iisul Wasaare Xamse oo Maanta kusii jeeda Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta kusii jeeda Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyaha mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka oo uu kamid yahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyaha mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka oo uu kamid yahay Guddoomiyaha hay’adda Maareeynta Musiibooyinka, Xildhibaano iyo xubno ka socda hay’addaha Gargaarka.

- Advertisement -

Ujeedka safarka Xamse Barre ee Kismaayo ayaa waxa uu salka ku hayaa sidii uu usoo qiimeyn lahaa xadiga khasaaraha fatahaada wabiga Jubba uu ka geystay deegaano kamid ah Jubbooyinka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku guryo beelay daadadka soo rogmaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehlinayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa iney kormeeraan goobaha la dajiyau dadka soo barakaccay, si uu indhihiisa ugu soo arko xadiga khasaaraha, wuxuuna warbixin ka dhageysan doonaa xubnaha gurmadka dadkaasi.

Ammaanka magaalada Kismaayo iyo deegaannada uu socdaalka ku tagayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ilaalada gaarka ah ee Xamse.

- Advertisement -

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobollladaasi oo dhacay koonfurta dalkeenna Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts