HomeWararSafiirka cusub ee Somalia ee Qatar oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka cusub ee Somalia ee Qatar oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa Maanta Warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Qatar Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe. Xafladda wareejinta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee caasimadda Qatar ee Dooxa, iyadoo ay goob joog ka […]

- Advertisement -

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa Maanta Warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Qatar Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe.

Xafladda wareejinta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee caasimadda Qatar ee Dooxa, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan hab-maamuuska iyo diblomaasiyiin.

- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya in uu ku guuleysto xilka loo igmaday, si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo ballaarinta aragtidooda dhinacyada kala duwan ee u adeegaya danaha labada dal iyo ka mira dhalinta himilooyinka laba dal.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirkii amniga gudaha Xukuumadda, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar.

Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda noqon doono Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Latest stories