HomeWararDowladda oo shaacisay inay korortay tirada dadka ku dhintay Fatahaadaha iyo daadadka

Dowladda oo shaacisay inay korortay tirada dadka ku dhintay Fatahaadaha iyo daadadka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa qabtay shir jiraa’id oo uu kaga warramay xaaladdii ugu dambeysay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabaka ka da’ay dalka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa qabtay shir jiraa’id oo uu kaga warramay xaaladdii ugu dambeysay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabaka ka da’ay dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii sida uu tilmaamay Al-shabaab u diideen meel ay ka baxaan.

- Advertisement -

In ka badan labo milyan oo ruux (2,000,300), ayaa ay saameyn ku yeesheen roobabka daadadka wata ee ka da’ay dalka Soomaaliya, waxaana ku barakacaay illaa sagaal boqol oo kun (9,000) oo ruux sida uu sheegay guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo ka warbixiyay gurmad ay hey’adda SODMA ay sameysay ayaa sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen, waxaana uu tilmaamay in ilaa hadda ay filayaan gurmad oo xooggan oo ay ku yabooheen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

“Illaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saameysay” ayuu yiri guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.

Latest stories