HomeWararSomalia oo Maanta lagu dhawaaqayo inay ku biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Somalia oo Maanta lagu dhawaaqayo inay ku biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Waxaa Maanta oo jimco ah magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ka furmaya Shirka hoggaamiyeyaash Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kaasi oo looga hadli doono aqbalaada Codka dowladda Soonaaliya ee ku biirista Ururkaasi. Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa la filayaa in Maanta ay si rasmi ah ugu dhawaaqan go’aan codsiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku biirista […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo jimco ah magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ka furmaya Shirka hoggaamiyeyaash Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kaasi oo looga hadli doono aqbalaada Codka dowladda Soonaaliya ee ku biirista Ururkaasi.

Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa la filayaa in Maanta ay si rasmi ah ugu dhawaaqan go’aan codsiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku biirista dalladan.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shirka ka qeyb galaya ayaa Madaxda uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalka oo haddii la maal-geliyo ay ka faa’iideyaan dadka iyo dalka.

Xasan Sheekh oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii,

Madaxweynaha ayaa u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalka uu doorkiisa ka qaato.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ururkaan waxaa hadda ku jira toddoba waddan, Soomaaliya waxay noqon doonta dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka riixaya in Soomaaliya la siiyo fursad.

Latest stories