HomeWararBurcad hubeysan oo Doon ka afduubatay xeebaha Puntland & Booliska oo ka...

Burcad hubeysan oo Doon ka afduubatay xeebaha Puntland & Booliska oo ka hadlay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Doon kaluumaysi oo Iran laga leeyahay, taasoo masuul ay ka ahayeen ganacsato Soomaali ah ayaa toddobaadkan laga af duubtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland. Doontan oo ay afduubteen kooxo hubeysan oo sida la tilmaamay burcad badeed ahaa ayaa waxaa saarnaa shaqaale u dhashay Iran iyo nin Soomaali ah oo waardiye […]

- Advertisement -

Doon kaluumaysi oo Iran laga leeyahay, taasoo masuul ay ka ahayeen ganacsato Soomaali ah ayaa toddobaadkan laga af duubtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland.

Doontan oo ay afduubteen kooxo hubeysan oo sida la tilmaamay burcad badeed ahaa ayaa waxaa saarnaa shaqaale u dhashay Iran iyo nin Soomaali ah oo waardiye ka ahaa doonta laga afduubtay Badda.

- Advertisement -

Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah wakiillada doonidaas ayaa sheegay in ay la xiriireen kooxda afduubatayay, kadibna ay weydiisteen dhaqaale dhan afar boqol oo kun dollar, si ay u siidaayaan doonta iyo shaqalaha saaran.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka booliiska Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay ku howlan yihiin sidii loosii dayn lahaa doonta la afduubtay, isagoo sheegay in kooxda ay afduubatay ay la aadeen bariga fog ee badda.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ku amreen wakiillada doonta in aysan bixin karin madax furasho. Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in lasoo qabtay afduubayaasha si sharciga loo horkeeno.

Latest stories