HomeWararPuntland oo Digniin kasoo saartay wax ka badelka Dastuurka KMG ka ah

Puntland oo Digniin kasoo saartay wax ka badelka Dastuurka KMG ka ah

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashooyinka Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha  iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland. Kulanka Golaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashooyinka Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha  iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo hadda loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada. Waxaana Goluhu isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta.

- Advertisement -

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay si cad uga soo horjeedaan wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyagoona sheegaty in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa baaqay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Puntland ay soo saartay

- Advertisement -

Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka.

Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah.

Haddaba, Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.

Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn.

Latest stories