HomeWararBuuq iyo Sawaxan hareeyay kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Puntland

Buuq iyo Sawaxan hareeyay kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Puntland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Kulan Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ku lahaayeen magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa kusoo dhammaaday buuq, kadib markii Xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel-marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka. Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa xeerka wax-kabedelka doorashooyinka, waxaana markii uu buuqa iyo sawaxanka hareeyay kulanka la go’aamiyay in dib loo […]

- Advertisement -

Kulan Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ku lahaayeen magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa kusoo dhammaaday buuq, kadib markii Xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel-marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa xeerka wax-kabedelka doorashooyinka, waxaana markii uu buuqa iyo sawaxanka hareeyay kulanka la go’aamiyay in dib loo dhigo ka doodista xeerkan.

- Advertisement -

Arrinta ay isku qabteen Xildhibaanada ayaa timid ka dib markii xubnaha guddiga loo xil-saaray xeerka doorashooyinka ay soo jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa, sababo la xiriira ammaanka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa si degdeg ah usoo xiray kulanka barlamaanka, isagoo guddi kale u magacaabay inay xeerka doorashada baarlamaanka ku hor keenaan 26-ka bishaan.

Dhinaca kale qaar kamid ah Xildhibaanada oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf inuu afduubtay Baarlamaanka, sida ay hadalka u dhigeen.

Latest stories