HomeWararDagaal Xooggan oo ka dhex Qarxay SSC Khaatumo iyo Somaliland iyo Maxaabiis...

Dagaal Xooggan oo ka dhex Qarxay SSC Khaatumo iyo Somaliland iyo Maxaabiis lasoo bandhigay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Xoogagga SSC Khaatumo iyo Millateriga Somaliland, waxaana lagu soo warramayaa in khasaare uu soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Dagaalka oo wali ka socda galbeedka Gobolka Sool, ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in Ciidanka Khaatumo ay la wareegeen degaannadii lagu dagaalamay, waxaana si […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Xoogagga SSC Khaatumo iyo Millateriga Somaliland, waxaana lagu soo warramayaa in khasaare uu soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka oo wali ka socda galbeedka Gobolka Sool, ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in Ciidanka Khaatumo ay la wareegeen degaannadii lagu dagaalamay, waxaana si buuxda ay gacanta ugu dhigeen degaan lagu magacaabo Buqdharkeyn, oo maalmahaan aga-gaarkiisa la isku hor-fadhiyay.

- Advertisement -

Ciidanka Khaatumo ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo maxaabiis ay sheegeen inay ka qabsadeen Somaliland.

Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda dagaalka iyo khasaaraha xooggan ee soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo lasoo bandhigay Meydad iyo Askar, waxaana wali socda dagaalka u dhexeeya Khaatumo iyo Somaliland.

Dagaalka ayaa soo cusboonaaday ka dib markii ay halkaasi gaareen qaar kamid ah isimmada SSC-Khaatumo oo hore ugu baaqay nabadeyn.

- Advertisement -

Labada dhinac wali wax war ah kama soo saarin  dagaalkaasi u dhexeeeya Ciidanka Khaatumo iyo  Millateriga Somaliland.

Latest stories