HomeWararBeesha Caalamka oo baaq deg deg ah kasoo saartay Xiisadda ka taagan...

Beesha Caalamka oo baaq deg deg ah kasoo saartay Xiisadda ka taagan Garoowe

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland, waxaana ay ku baaqeen in la dajiyo lana xakameeyo xaaladda. War-saxaafadeedka kasoo baxay Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya  waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka […]

- Advertisement -

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland, waxaana ay ku baaqeen in la dajiyo lana xakameeyo xaaladda.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya  waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda”

- Advertisement -

Waxaana sidoo kale lagu sheegay War-saxaafadeedka in  Joogitaanka ciidamada magaalada gudaheeda ay cabsi gelinayso dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Saaxiibada beesha caalamku waxaa ay ku baaqeen in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.

- Advertisement -

 

Latest stories