HomeWararGolaha Wasiirada oo kulan Deg-deg ku ansixiyay hindise sharciyeedka Dad-dhigista

Golaha Wasiirada oo kulan Deg-deg ku ansixiyay hindise sharciyeedka Dad-dhigista

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah magaalada caasimadda ah ee Muqsdisho. Kulanka oo ahaa mid la isugu yeeray xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah magaalada caasimadda ah ee Muqsdisho.

Kulanka oo ahaa mid la isugu yeeray xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.

- Advertisement -

Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.

Latest stories

No posts to display