HomeWararDil toogasho oo saaka lagu fuliyay Ninkii dilay Cabdullaahi Cali Huday

Dil toogasho oo saaka lagu fuliyay Ninkii dilay Cabdullaahi Cali Huday

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku dilay Wiil la dhashay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cabdullaahi Cali Huday. Goob fagaare ah oo ku taalla Guriceel ayaa lagu toogtay Cabdisalaan Cali oo ay hore Maxkamadda ciidamada dil toogasho […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku dilay Wiil la dhashay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cabdullaahi Cali Huday.

Goob fagaare ah oo ku taalla Guriceel ayaa lagu toogtay Cabdisalaan Cali oo ay hore Maxkamadda ciidamada dil toogasho ah ugu xukuntay, kadib markii lagu helay inuu dilka geystay Cabdisalaan Cali oo ahaa ciidanka NISA ee dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay Cabdisalaan oo baxsaday markii uu 9 bishaan November 2023 dil u geystay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Cali Huday oo ahaa wiil la dhashay Taliyaha Booliska Guriceel.

Dadka ku dhaqan Guriceel ayaa horey uga dalbaday laamaha caddaaladda in ninka dilka gestay la geeyo tiirka lana toogto, waxa ayna tilmaameen in toogashada xal u noqoneyso dilalka micno darrada ah ee dadka loo geesto.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa dilal toogasho ah loogu fuliyay rag dilal u geystay Askar iyo dad shacab ah, waxaana Maxkamadda ciidamada ay sheegtay in cid kasta oo dilal geysata cadaalada lahor geyn doono.

Latest stories