HomeWararAS oo Weerartay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS

AS oo Weerartay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan uga Uganda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Shabeellaha Hoose. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka dhexmaray labada dhinac uu markii hore ka bilowday weerar gaadmo ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay xalay kusoo qaaday […]

- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan uga Uganda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Shabeellaha Hoose.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka dhexmaray labada dhinac uu markii hore ka bilowday weerar gaadmo ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay xalay kusoo qaaday Saldhiga ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin magaalada Buulo-mareer.

- Advertisement -

Khasaaro ayaa lasoo weriyay inuu dagaalka ka dhashay, inkastoo aan faah faahin intaas ka dheeraad ah aan laga helin, balse dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inuu jiro khasaaro kala duwan oo dhinacyada kala gaaray.

Ciidanka ATMIS iyo kuwa ciidanka dowladda Federaalka ayaa saaka howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka wada magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xaalada haatan ay tahay mid dagan, kadib weerarkii iyo dagaalkii dhacay.

Si kastaba, Al-Shabaab bishii May ee sanadkaan 2023 weerar lagu laayay Askar farabadan oo kamid ah kuwa ATMIS ee ka socda Uganda ku qaaday saldhiga ay ciidankaasi ku lahaayeen Buulo-mareer, waxaana weerarkaasi lagu qabsaday gaadiid badan.

Latest stories