HomeWararMadaxweyne Xasan oo Warbixin ka dhageystay Taliska Ciidanka Xoogga

Madaxweyne Xasan oo Warbixin ka dhageystay Taliska Ciidanka Xoogga

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka. Madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Latest stories