HomeWararHaweeney Soomaali ah oo lagu dhex dilay Hotel ku yaalla gudaha Turkiga

Haweeney Soomaali ah oo lagu dhex dilay Hotel ku yaalla gudaha Turkiga

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Waxaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dilay Haweeney Soomaali ah oo heysatay dhalashada UK, taasi oo Meydkeeda laga helay hotel ku yaalla magaaladaasi oo ay maalmihii lasoo dhaafay daganeyd. Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Ayaan Mohamed Dhoba ayaa waxaa dilkeeda loo adeegsaday kashawiito, sida ay ku warrantay Warbaahinta Turkiga oo baahisay dhacdadaan […]

- Advertisement -

Waxaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dilay Haweeney Soomaali ah oo heysatay dhalashada UK, taasi oo Meydkeeda laga helay hotel ku yaalla magaaladaasi oo ay maalmihii lasoo dhaafay daganeyd.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Ayaan Mohamed Dhoba ayaa waxaa dilkeeda loo adeegsaday kashawiito, sida ay ku warrantay Warbaahinta Turkiga oo baahisay dhacdadaan lagu dilay Ayaan oo da’deeda lagu sheegay 26-sanno jir.

- Advertisement -

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dilka Ayaan Maxamed uu ka danbeeyay Ninka qabay oo lagu magacaabo Axmed, waxaana la tilmaamay in qoyskaan ay Dalxiis u joogeen dalka Turkiga, iyaga oo la yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Saraakiil ka tirsan qaybta dembi-baarista ee Booliiska Turkiga ayaa soo xiray Axmed, waxaana la arkayey iyagoo qadaan qadinaya.

Lama oga ilaa hadda sababta ka dambeysa dilkan oo Soomaalida ku nool dalka Turkiga ay si weyn u hadal hayaan, Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaan.

Latest stories