HomeWararShir Deg-deg ah oo Maanta ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe

Shir Deg-deg ah oo Maanta ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ka qabsoomay magaalada Garoowe. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah, kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay . Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa warbixin […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ka qabsoomay magaalada Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah, kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay .

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay
Guddigii Wasaariirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaada Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka waxaa looga hadlay:

1-In magalaada biyaha laga saaro.
2- Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.
3. Sidii loogu gargaari laha dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4- Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa muujiyey sida dhow ee Dowladdu ula socoto xaaladda Roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo, iyadoo hore Dowladdu Guddi Wasiiro ah u dirtay Gaalkacyo, hadana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee kajirta.

Latest stories