HomeWararAgaasimeyaashii hore ee Hay'adda Socdaalka DF oo Maxkamadeyntooda bilaabatay

Agaasimeyaashii hore ee Hay’adda Socdaalka DF oo Maxkamadeyntooda bilaabatay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil Dowladdeed oo ku Eedaysan Musuq maasuq. Eedaysanayaasha ayaa ka kala ah Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi kaas oo ku eedaysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey. […]

- Advertisement -

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil Dowladdeed oo ku Eedaysan Musuq maasuq.

Eedaysanayaasha ayaa ka kala ah Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi kaas oo ku eedaysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa Eedaysanayaasha ka mid ah Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ah Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda Fedreraalka Soomaaliya.

Wuxuu ku Eedaysan yahay ka qayb qaadasho dambi iyo gudasho la’aan waajib iyo masuuliyad Xafiis Dowladdeed,sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay lunsasho dakhli dowladdeed oo gaaraysa 5,327,355 oo dollar iyo Eeddaymo kale oo uu ku soo oogay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Eedaysanayaasha sidoo kale Maxkamadda dacwadooda la hor keenay ayaa waxa ka mid ah Cusmaan Xasan Cosoble,Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Agaasimihii Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda maaliyadda Eedaysane Muxiyadiin Xasan Jurus Saabeey oo ku Eedaysan lunsasho hanti maaliyadeed oo dhan 20 Malyan oo dollar.

Latest stories