HomeWararEedaysane la sheegay in degmada Guriceel uu ku dilay Ganacsade oo gacanta...

Eedaysane la sheegay in degmada Guriceel uu ku dilay Ganacsade oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ciidamada ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Eedaysane la sheegay in dhawaaan uu dil ka gaystay Gudaha Magaaladaasi, kadibna baxsaday. Hawlgallo ay sameeyeen Ciidamada Amniga ayaa waxaa ku suurtagashay in  gacanta lagu soo dhigo shakhsiga ku eedeysan dilka Rabbi ha u narariistee Marxuum C/laahi Cali Hudeey oo ka mid ahaa Dhalinyarada […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Eedaysane la sheegay in dhawaaan uu dil ka gaystay Gudaha Magaaladaasi, kadibna baxsaday.

Hawlgallo ay sameeyeen Ciidamada Amniga ayaa waxaa ku suurtagashay in  gacanta lagu soo dhigo shakhsiga ku eedeysan dilka Rabbi ha u narariistee Marxuum C/laahi Cali Hudeey oo ka mid ahaa Dhalinyarada ganacsata ah ee Degmada Guriceel.

- Advertisement -

C/salaam Cali Axmed oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Marxuumka ayaa waxaa qabashadiisa warbaahinta  u Xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin, kaasi oo sheegay inay gacanta kusoo dhigeen caddaaladdana la horgayn doono.

“Guriceel inta aan joogno hada kadib, insha Allaah wixii ka dhaca oo dhibaato ah, waxaan balanqaadeynaa in ay ku dhammaan doonaan gacanta Cadaaladda, midaan gacan ku dhiiglahaana, wixii uu geystay ayaa laga gudi doonaa ” ayuu yiri Gudoomiyaha D/Guriceel Faarax Cabdi Macalin.

Dhawaan ayay ahayd Markii Magaalada lagu dilay Alle ha u narariistee Marxuum C/laahi Cali Hudeey oo ka mid ahaa Dhalinyarada ganacsata ah ee Degmada, sidoo kalena ahaa walaaka Taliyaha Booliska Magaalada Guriceel.

Latest stories