HomeWararMw Xasan Sheekh oo guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha...

Mw Xasan Sheekh oo guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u faray Gobolka Banaadir oo qeyb ka ahaa shirkan in ay kor u qaadaan fayo-dhowrka iyo  isu-socodka, maadaama roobab joogta ah oo da’ay ay saameeyeen  nolasha dadka Caasimadda, waxa uuna xusay shaqada adage ee loo baahan yahay in la qabto.

Latest stories