HomeWararWebiga Shabelle oo fatahaad horleh ka sameeyey xaafadaha Baladweyne

Webiga Shabelle oo fatahaad horleh ka sameeyey xaafadaha Baladweyne

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay illaa saaka ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Baladweyne, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Baladweyne ee Maamulka Hirshabeelle. Webiga ayaa biyo farabadan keenay xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii uu webiga jabsaday karkaarka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay laga cabsi qabay […]

- Advertisement -

Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay illaa saaka ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Baladweyne, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Baladweyne ee Maamulka Hirshabeelle.

Webiga ayaa biyo farabadan keenay xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii uu webiga jabsaday karkaarka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay laga cabsi qabay fatahaada uu sameeyay webiga. Biyaha ayaa dhex ceegaaga waddooyinka iyo guryaha.

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa hore uga barakacay dadkii ku dhaqanaa gudaha magaalada, kuwaas oo u barakacaya dhulka taaga ah oo aysan biyaha galin si ay uga baxsadaan halista ka dhalan karta biyaha wabiga Shabeelle.

Maamulka magaalada oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in illaa iyo hada uusan jirin wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baladweyne.

Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ka digeysay fatahaadaha ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle, oo ku fatahay magaalooyinka gaar ahaan webiga jubba oo ku fatahay degmooyinka Gobolka Gedo, halkaasi oo haatan ay ka taagan tahay xaalad adag.

Latest stories