HomeWararQ/Midoobay oo Dalab la xiriira Doorashada Puntland hordhigtay Saciid Deni

Q/Midoobay oo Dalab la xiriira Doorashada Puntland hordhigtay Saciid Deni

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Garoowe ayaa waxaa shalay kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaalia Catriona Laing oo socdaal ku tagtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal. Kulanka ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa arrimaha doorashooyinka Puntland oo haatan uu khilaaf xooggan uu […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ayaa waxaa shalay kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaalia Catriona Laing oo socdaal ku tagtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa arrimaha doorashooyinka Puntland oo haatan uu khilaaf xooggan uu ka taagan yahay, una dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo Saciid Deni oo sheegay inay qabanayaan doorasho qof iyo Cod ah.

- Advertisement -

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay aqoonsatey dadaallada ay hoggaamiyeyaasha Puntland ku bixinayaan in ay la xiriiraan siyaasiyiinta ka aragti duwan.

Ms. Laing ayaa Madaxweyne Deni ka dalbatay in uu ballaariyo xiriirkaas oo uusan  “keliya gaarsiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, odeyaasha iyo isimada qabaa’ilka, ee uu sidoo kale gaarsiiyo dadka kale ee ay khuseyso – dhallinyarada, haweenka iyo culimada iyo – in uu dadkaas ku soo daro si loo hubiyo in marka ay doorashooyinka dhacayaan uu jiro isu-tanaasul iyo dabcan in doorashooyinku ay nabadgelyo ku dhacaan.”

Sarkaalka ugu sarreeya QM ee Soomaaliya ayaa ku ammaantey “Puntland in ay tahay degaan ay ka jirto xasiloonni aan ka jirin degaannada ku hareereysan, iyo in ay hoggaan u noqotey dimuqraadiyadda ka dib markii ay ku guuleysatey in ay qabato doorashooyinka heer degmo ah.

- Advertisement -

Catriona Laing ayaa Puntland ku ammaantay doorashadii golaha deegaanka ee bishii May ee sanadkan balse waxay xustay in aan la isku raacsanayn habraaca doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha xiligaan. Waxay ku boorisay in lawada hadlo lana xaliyo mashaakilaadka taagan si Puntland u adkayso safarkeeda dimuqraadiga ah.

Ms. Laing ayaa mar kale xaqiijisey sida ay Qaramada Midoobey uga go’an tahay in ay dowladda iyo dadka reer Puntland kala shaqeyso qabashada doorashooyin baarlamaan iyo madaxweyne oo nabad ku dhaca oo ay aqoonsadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan.

Latest stories