HomeWararLaamaha Amniga oo gacanta kusoo dhigay Haweeney Muqdisho ku dishay laba Haween...

Laamaha Amniga oo gacanta kusoo dhigay Haweeney Muqdisho ku dishay laba Haween ah

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gacanta kusoo dhigay haweeney xalay xaafada Buur-Bishaaro  ee deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay labo haween ah oo guri la degnaa. Dilkaan oo haweeneyda ay u adeegsatay tooreey ayaa ka yimid, kadib markii haweeneyda iyo labada haween kale ee la dilay uu soo kala dhex galay […]

- Advertisement -

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gacanta kusoo dhigay haweeney xalay xaafada Buur-Bishaaro  ee deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay labo haween ah oo guri la degnaa.

Dilkaan oo haweeneyda ay u adeegsatay tooreey ayaa ka yimid, kadib markii haweeneyda iyo labada haween kale ee la dilay uu soo kala dhex galay muran kooban oo ka dhashay carruur yar yar oo is dagaallay, kuwaasi oo guriga isla joogay.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in haweeneyda falka geysatay ay mar qura soo qaadatay tooreey, isla markaana qeybaha sare ee jirka kala aaday labada dumar oo xilligaas ku kala jiray laba qol oo isku dagan.

Allaha u naxariistee haweenka la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabay jiray Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi, waxaana haweeneyda dilka geysatay iyana magaceeda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali.

Taliska Booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Anbiyo Maxamed gacanta lagu soo dhigay, isla markaana cadaalada la horgeeyn doono, maadaama ay nafta naafisay Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi oo ay guri wada daganaayeen.

Latest stories