HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse Barre oo Amar Deg-deg siiyay Ciidamada Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Amar Deg-deg siiyay Ciidamada Dowladda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay munaasabad casho ah oo Taliyaha Ciidanka Boolisku u sameeyey ka qayb galayaashii shirka Amniga Qaranka gaar ahaan Booliska, ayuu ka sheegay in Xukuumadda ka go’antahay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay munaasabad casho ah oo Taliyaha Ciidanka Boolisku u sameeyey ka qayb galayaashii shirka Amniga Qaranka gaar ahaan Booliska, ayuu ka sheegay in Xukuumadda ka go’antahay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in Xukuumadda ay dadaal dheeraad ah galinayso tayada, Tirada, Cududda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga guud ee dalka kala danbaynta, gaar ahaan deegganada laga xoreeyey Khawaariijta.

- Advertisement -

Xamsa ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sugidda amniga gaar ahaan caasimadda oo uu sheegay in isbeddel badan oo amni ka muuqdo hadda, ciidankuna si gaara uga feejigan yihiin falalka amni darro,

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hadda shacabka Soomaaliyeed si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka amniga taasina ay qayb muhiim ah ka qaadatay ka hor taga dhagaraha Khawaariijta.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa si deg deg ah u faray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka iyo daadadka El-nino, inay qayb ka qaataan samatabixinta dadka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin wayn ka qaataan gurmadka dowladdu wado ee dadkaasi lagu gargaarayo.

Latest stories