HomeWararMW Xasan Sheekh “Waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno Caalamka”

MW Xasan Sheekh “Waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno Caalamka”

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.

“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sucuudigu ayaa kula dardaarmay Madaxda ka soo qeyb-gashay madashan in ay la fil noqdaan caqabadaha iyo duruufaha ku xeeran qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

Latest stories