HomeWararMW Xasan Sheekh oo Madaxda Dalalka Islaamka u cadeeyay mowqifkiisa Xaaladda Qasa

MW Xasan Sheekh oo Madaxda Dalalka Islaamka u cadeeyay mowqifkiisa Xaaladda Qasa

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin. Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin.

Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa.

- Advertisement -

“Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabatka leh ee ay ku garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin, isagoo ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan.

 

Latest stories