HomeWararKulan laga yeeshay xal u helida Musiibooyinka ka dhashay Roobabkii ka da’ay...

Kulan laga yeeshay xal u helida Musiibooyinka ka dhashay Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banadir, ayaa ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshay Duqa Magaalada Ankara, kaasi oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banadir, ayaa ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshay Duqa Magaalada Ankara, kaasi oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo fulinta heshiisyada mataaneyn ee Ankara iyo Muqdisho.

Shirka ayaa loogu hadlay xal u helida Musiibooyinka ka dhashay roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u-gar gaarida shacabka ay waxyeelada kasoo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay una taagan samatabixinta Bulshada.

- Advertisement -

Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha ummada ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah Gobolada dalka ee kusoo fool leeyihiin roobab wata dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa u digay dadka dagan goobaha biyo qabadyada iyo kuwa ku hoos nool guryaha bur-bursan hoostooda in ay ka feejignaadaan qataraha la saadaaliyay.

Latest stories