HomeWararUjeedka socdaalka MW Xasan Sheekh ee Dalka Sacuudiga

Ujeedka socdaalka MW Xasan Sheekh ee Dalka Sacuudiga

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono saddex shir oo ‘intooda badan looga hadlayo xaaladda shacabka Falastiin.’ Shirarkan ayaa kala ah; shirka Jaamacadda Carabta, shirka Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono saddex shir oo ‘intooda badan looga hadlayo xaaladda shacabka Falastiin.’

Shirarkan ayaa kala ah; shirka Jaamacadda Carabta, shirka Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

- Advertisement -

Sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku galay qalliin dhanka garabka ah.

Cabdulqaadir Dige, ma sheegin dhibaatada garabka ka gaartay madaxweynaha, iyada oo la arkayay madaxweyne Xasan Sheekh oo gacantu u shakaalan tahay oo kasoo degaya diyaaraddii uu ku tegay boqortooyda Sacuudiga.

“Madaxweynaha ayaa shirarkan kusoo bandhigi doonaa mowqifka shacanka iyo dowladda Soomaaliya ee xaaladda ay dadka Falastiiniyiintu ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka loo geysanayo” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Dige.

Latest stories