HomeWararDowladda oo Maanta Doonyo lagu badbaadinayo Shacabka u dirtay Gedo

Dowladda oo Maanta Doonyo lagu badbaadinayo Shacabka u dirtay Gedo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland kuwaas oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba ee mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada […]

- Advertisement -

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland kuwaas oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba ee mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah.

- Advertisement -

Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira Raashin,Dhar iyo Daawo waxaana la rarayaa dhawaan.

Waxaa ay sheegtay hay’adda in gargaarkaasi la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doon nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada luuq.

Latest stories