HomeWararAxmed Madoobe oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay fatahaada Gedo

Axmed Madoobe oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay fatahaada Gedo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubaland. Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aanan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.

- Advertisement -

Mar uu Madaxweynaha Jubaland ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubaland ay yihiin 90,000 oo qoys waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in ay jiraan baahiyo ba’an oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto waxa uuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in degmooyinka xaaladaha daran ku jira in la gaarsiiyo Doomo, Cunto deg-deg ah, Daawo, Bustayaasha dhaxanta, Baco iyo Teendhooyin kuwaas oo muhiim u ah samata bixinta dadka go’doonka kujira.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si loo dadajiyo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo degmooyinka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka waxa uu magacaabay guddi Wasiiro ka kooban kuwaas oo ka shaqayn doona sidii loo samata bixin lahaa dadka go’doonsan.

Ugu dambayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in xaalada jirta awgeed loo baahan yahay in loo midoobo gurmadka dadka uu dhibku gaaray isagoo ugu baaqay Dowlada Federaalka ah iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee tageera Soomaaliya inay ka qeybgalaan gurmadka socda.

Latest stories