HomeWararGabar Soomaaliyeed oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park

Gabar Soomaaliyeed oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas. Naadiya ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada […]

- Advertisement -

Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas.

Naadiya ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

- Advertisement -

“Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda

Doorashadan waxaa Naadiya taageeyay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameyd kahor inta aysan Naadiya ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan.

Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.

- Advertisement -

Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.

Latest stories