HomeWararKhasaare ka dhashay Roobab Mahiigaan ah oo ka da’y Magaalada Baydhaba

Khasaare ka dhashay Roobab Mahiigaan ah oo ka da’y Magaalada Baydhaba

Date:

Related stories

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka ayaa saacadihii lasoo dhafay waxaa ka da’ay roobab lixaad leh, oo saameeyay bulshada danyarta ah eek u nool Magaalada iyo guud ahaan isku socodka guud. Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Magaalada ayaa waxaa ay mujiinayaan burbur iyo biyo aad  tira badan oo magaalada ka muuqda. Roobabka ayaa da’ayay xalay […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka ayaa saacadihii lasoo dhafay waxaa ka da’ay roobab lixaad leh, oo saameeyay bulshada danyarta ah eek u nool Magaalada iyo guud ahaan isku socodka guud.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Magaalada ayaa waxaa ay mujiinayaan burbur iyo biyo aad  tira badan oo magaalada ka muuqda.

- Advertisement -

Roobabka ayaa da’ayay xalay ilaa saaka, waxaana saameyn ay ku yeesheen dadka degaanka, gaar ahaan bulshada danyarta ah oo aan haysan gabbaad ay ka galaan roobabka aan kala joogsiga lahayn ee ka da’aya Magaalada.

Sidoo kale waxaa laga dayrinayaa Meelaha boholaha ah ee ay biyuhu galeen oo lasoo sheegayo in khataro waa weyn ay ka imaan karaan.

Inkastoon tiro dhabta ah ee khasaaraha roobabka ka dhashay aan la xaqiijin, haddana waxaa lagu soo waramayaa in lix ruux oo ay carruur ku jiraan ay ku dhinteen daadadka iyo biyaha ku soo rogmaday xeryaha iyo guudahaan magaalada.

- Advertisement -

Qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka da’aya roobab xooggan oo dhaliyay khasaare dhimasho, burbur iyo barakac.

Latest stories