HomeWararMas'uuliyiintii ka tirsanaa Maamulka Hodan oo Al-Shabaabnimo loo Maxkamadeeyey

Mas’uuliyiintii ka tirsanaa Maamulka Hodan oo Al-Shabaabnimo loo Maxkamadeeyey

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay bilowday dhageysiga kiiska 11 mas’uul oo ka tirsanaa Maamulka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la horgeeyay Maxkamadda ciidamada. Mas’uuliyiintan oo ahaa Guddoomiye waaxeedyo ka tirsanaa Maamulka Hodan ayaa waxaa loo heystaa inay wadashaqeyn la’lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay bilowday dhageysiga kiiska 11 mas’uul oo ka tirsanaa Maamulka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la horgeeyay Maxkamadda ciidamada.

Mas’uuliyiintan oo ahaa Guddoomiye waaxeedyo ka tirsanaa Maamulka Hodan ayaa waxaa loo heystaa inay wadashaqeyn la’lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay ahaayeen shabakad isku xiran oo ka kooban 11 xubnood.

- Advertisement -

Shabakadan oo gaareysa 11 ruux oo 8 kamid ah ay yihiin rag, halka saddex kalena ay dumar yihiin ayaa waxaa hoggaamiye u ahaa nin lagu magacaabo Cabdiraxiin Maxamed Cismaan Jimcaale (Macruuf), sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale mas’uuliyiintan loo heysto ay la shaqeynayeen Shabaab ayaa la tilmaamay inay ka howlgeli jireen degmooyinka kala ah Hodan, Howlwadaag, Heliwaa, Dayniile, Yaaqshiid iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kooxdan kamid ah sarkaal ka tirsan Booliska oo u goostay Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Ayaanle Maxamed Cali, kana howlgalayay saldhigga degmada Hodan, xubnaha kale ee Maxkamadda la horgeeyay ayaa waxaa ku jiray

- Advertisement -

Shariif Nuur Cali Awliyo oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa loo heystaa inuu ahaa wakiilka shabakadda ee degmada Hodan, waxaana uu wajahayaa xog ka gudbinta qaraxii Soobe 2, abaabulka qarax miino oo loo dhigay taliyaha saldhigga Hodan iyo wax ka qorsheynta dil loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed Cali.

Latest stories