HomeWararCiidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Bakool

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Howlgal qorshaysnaa oo Ciidamadda Xooga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ay maanta ka fuliyeen gobolka Bakool ayaa u suura-galiyey in Al-Shabaab gacantooda laga saaro deegaano ka tirsan Gobolka Bakool. Ciidanka xoogga oo kaashanayay ciidanka daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Shabaab ka qabsaday  deegaanada kala ah War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, iyo deegaanka  moorigaabey ee Bakool, […]

- Advertisement -

Howlgal qorshaysnaa oo Ciidamadda Xooga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ay maanta ka fuliyeen gobolka Bakool ayaa u suura-galiyey in Al-Shabaab gacantooda laga saaro deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Ciidanka xoogga oo kaashanayay ciidanka daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Shabaab ka qabsaday  deegaanada kala ah War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, iyo deegaanka  moorigaabey ee Bakool, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

- Advertisement -

Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad G/lle Yoonis Adan Xasan oo howlgalkaan hogaaminayey ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey deegaanada laga xoreeyey Shabaab ee hoostagan Gobolka Bakool.

Taliye Yoonis Aadan ayaa intaas kusii daray hadalkiisa inay sii socon doonaan howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ay la wareegi doonaan deegaano kale.

Si kastaba Ciidanka xoogga iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ay marar badan dagaalo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku dhexmareen deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Latest stories