HomeWararGolaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay Degmooyin Cusub

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay Degmooyin Cusub

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna caasimadda Maamulkaasi. Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo Qorsheyaasha howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, Warbixinta roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Hirshabeelle iyo halista fatahaadaha iyo dabeylaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna caasimadda Maamulkaasi.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo Qorsheyaasha howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, Warbixinta roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Hirshabeelle iyo halista fatahaadaha iyo dabeylaha elnino, Dardargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka.

- Advertisement -

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee caasimada iyo kan Magaalooyinka Hirshabeelle isagoo sheegay in deegaanada qaar ay ka socdaan abaabul shacab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud oo ku saabsan dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka la wadaagay golaha wasiirada, iyadoo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Hoose ay Golaha hor keentay  Hindise Sharciyeed Degmooyin cusub loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah,

1- Ceelbaraf

- Advertisement -

2 -Alkowsar

3- Ceelcali

4-Jawiil

5-Halgan

6- Jiliyaale

Golaha Xukuumadda oo dood dheer ka yeeshay degmooyinkaan cusub ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku meelmariyay.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynyta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ayaa faahfaahin ka bixisay roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka danyarta ah, Wasiirka Gargaarka ayaa dhanka kale sheegtay in gudiga gurmadka fatahaadaha uu kormeer iyo qiimeyn kusoo sameyn doono deegaanada laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga shabeeelle.

Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee , iyo Garsoorka Hirshabeelle.

Latest stories