HomeWararGalmudug oo lagu wareejiyay Macwiisley loo diyaariyay Dagaalka AS

Galmudug oo lagu wareejiyay Macwiisley loo diyaariyay Dagaalka AS

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maamulka deegaanka Xinlabi ee Gobolka Mudug ayaa Maamulka Galmudug ku wareejiyay ciidamo kuwa deegaanka ah ee loo yaqaano macwiisleyda oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Munaasabad ka dhacday Xinlabi ayaa lagula wareejiyay Maamulka ciidanka macwiisleyda ah, kuwaasi oo deegaanka lagu aas-aasay, waxaana ciidankaasi la wareegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug […]

- Advertisement -

Maamulka deegaanka Xinlabi ee Gobolka Mudug ayaa Maamulka Galmudug ku wareejiyay ciidamo kuwa deegaanka ah ee loo yaqaano macwiisleyda oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Munaasabad ka dhacday Xinlabi ayaa lagula wareejiyay Maamulka ciidanka macwiisleyda ah, kuwaasi oo deegaanka lagu aas-aasay, waxaana ciidankaasi la wareegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureye)

- Advertisement -

Wasiir Cumar Guureye oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa waxa uu sheegay in ciidankan macwiisleyda ah ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda Galmudug, isla markaana ay ku biiri doonaan ciidanka xoogga.

Sidoo kale mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta ayaa ciidamada kula dardaarmay xoreynta deegaanada weli ku maqan gacanta Shabaab, iyagoona u mahadceliyay Maamulka deegaanka Xinlabi ee Gobolka Mudug.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, kuwaas oo dhul ballaaran ka saaray xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka.

Latest stories