HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Jowhar

Faah faahin kasoo baxeysa Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Jowhar

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn saaka ka dhacday magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo dhexmartay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee jooga magaaladaasi. Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in israsaaseynta ay si gaar ah u dhexmartay ciidamo Milateri ah […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn saaka ka dhacday magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo dhexmartay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee jooga magaaladaasi.

Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in israsaaseynta ay si gaar ah u dhexmartay ciidamo Milateri ah iyo kuwa DANAB, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Askar iyo dad shacab ah.

- Advertisement -

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid ahaa qof rayid ah, halka qof kalena uu ku dhaawacmay, waxaana qofka dhintay uu ahaa ganacsade oo goobtiisa ganacsi ugu tagtay xabad wiifto ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa gaaray aaga uu falka ka dhacay, xaaladda ayaana ah mid dagan haatan, iyadoona bilowdeen isu socodkii iyo ganacsigii oo muddo kooban hakad ku yimid.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan israsaaseyntii saaka ka dhacday magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna caasimadda Maamulkaasi.

Latest stories