HomeWararDilal Salka ku haya aanooyin Qabiil oo ka dhacay Degaanada Galmudug

Dilal Salka ku haya aanooyin Qabiil oo ka dhacay Degaanada Galmudug

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

24 kii saac ee lasoo dhaafay degaanada Maamulka Galmudug waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo gaystay dad shacab ah, waxaana degaanada qaar laga soo sheegaya xaalad cabsi ah. Dilalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Magaalada Caasimadda u ah Maamulkaasi ee Dhuusamareeb, waxaana Magaalada lagu dilay labo ka mid ah ganacsatada magaalada, kuwaas oo […]

- Advertisement -

24 kii saac ee lasoo dhaafay degaanada Maamulka Galmudug waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo gaystay dad shacab ah, waxaana degaanada qaar laga soo sheegaya xaalad cabsi ah.

Dilalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Magaalada Caasimadda u ah Maamulkaasi ee Dhuusamareeb, waxaana Magaalada lagu dilay labo ka mid ah ganacsatada magaalada, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe.

- Advertisement -

Dilka labada Ganacsato ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo goobta isaga baxsaday, waxaana sida la sheegay dilkaasi uu salka ku hayaa aanooyin qabiil.

Waxaana dilkaasi uu yimid xili deegaanka Xananbuure ee gobolka Galguduud, ay shalay ku dagaallameen laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada daga, kuwaasi oo khasaare xooggan isku gaystay sida wararku tilmaamayaan.

Dilalka salka ku haya aanooyinka Qabiil ayaa Saacadihii lasoo dhafay si joogto ah kaga dhacayay degaanada Maamulkaasi, waxaana isla xalay Degmada Matabaan lagu dilay Faarax Cabdi Toowle oo kamid ahaa Dhalinyarada Magaalada Matabaan Dilkiisa ayaa Daba Socdo aano Qabiil oo maalmahan Deeganka kasocday.

- Advertisement -

Sidoo kale Maalmo ka hor degmada Guriceel degaanno hoos yimaada Waxaa lagu dilay ilaa iyo 7 qof oo dhammaan dilalkoodu ay salka ku hayaan aanooyin qabiil.

Baaqyada loo diray dhinacyada dirirtu u dhexeyso ayaa isi-soo taraysa, waxaana loogu baaqay maamulka Galmudug iyo waxgaradka degaanka inay tallaabo qaadaan oo ay doorkooda ku aaddan nabadda qaataan.

Latest stories