HomeWararDalal badan oo Xiriirka u jaray Israa’iil kadib duqeymaha QAZA

Dalal badan oo Xiriirka u jaray Israa’iil kadib duqeymaha QAZA

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israa’iil, iyadoo sababtana ku sheegtay “weerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso. Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in go’aankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israa’iil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu […]

- Advertisement -

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israa’iil, iyadoo sababtana ku sheegtay “weerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in go’aankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israa’iil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu ku hayo Marinka Qasa.

- Advertisement -

Hoggaamiyaasha Colombia iyo Chile ayaa iyaguna safiiradoodii u fadhiyay Israa’iil u yeertay sababo la xiriira duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysanayso Qasa.

Madaxweynaha dalka Chili Gabriel Boric Fonts ayaa bartiisa X, ku sheegay in dalkiisu uu si xooggan u cambaareynayo isla markaana aan wax la aqbali karin ay tahay xadgudubyada bini aadanimo ee halkaa ka dhacaya?

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isna bartiisa X, ku baahiyay “haddii Israa’iil aaney joojineynin xasuuqa Falastiiniyiinta halkaa ma sii joogi karno,”.

Latest stories