HomeWararBannaanbaxyo waa weyn oo ka billawday Magaalada Dhuusamareeb

Bannaanbaxyo waa weyn oo ka billawday Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Bananbaxyo waa weyn oo  looga soo Horjeedo Dilalkii xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo degaano kale ayaa ka bilowday caasimada Maam ul Goboleedka Galmudug. Qaybtii ugu horreysay ee dadka dhigaya Bannaanbaxa, oo u badan Ardayda Magaalada waxka barata, ayaa gaaray Garoonka ciyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale kusoo biiray qaybaha kale ee bulshada kuwaasi […]

- Advertisement -

Bananbaxyo waa weyn oo  looga soo Horjeedo Dilalkii xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo degaano kale ayaa ka bilowday caasimada Maam ul Goboleedka Galmudug.

Qaybtii ugu horreysay ee dadka dhigaya Bannaanbaxa, oo u badan Ardayda Magaalada waxka barata, ayaa gaaray Garoonka ciyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale kusoo biiray qaybaha kale ee bulshada kuwaasi oo muujin doona sida ay uga xun yihiin wixii xalay ka dhacay Caasimadda Maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la filayaa in masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Maamulka Galmdug inay gaaraan halka loo qorsheeyay dibad-baxaasi, kuwaasi oo bulshada kula hadli doona garoonka weyn ee magaalada.

Sidoo kale Saaka waxaa xiran dhammaan goobaha ganacsiga ee Magalada, waxaana Albaabada loo laabay goobaha Ganacsi ee ku yaallay Dhuusamareeb, iyadoo dadku ay muujinayaan, sida ay uga xun yihiin dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhacay Caasimadda iyo degaanada kale.

24 kii saac ee lasoo dhaafay degaanada Maamulka Galmudug waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo gaystay dad shacab ah, waxaana degaanada qaar laga soo sheegaya xaalad cabsi ah.

- Advertisement -

Dilalkii ugu dambeeyay waxaa loo gaystay labo ka mid ah ganacsatada magaalada, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe.

Dilka labada Ganacsato ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo goobta isaga baxsaday, waxaana sida la sheegay dilkaasi uu salka ku hayaa aanooyin qabiil.

Latest stories