HomeWararRW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangi dhawaan laga hirgeliyey Muqdisho

RW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangi dhawaan laga hirgeliyey Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaruhu Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Latest stories