HomeWararAl-Shabaab iyo Daraawiishta Jubbaland oo ku dagaalamay Jubbada Hoose

Al-Shabaab iyo Daraawiishta Jubbaland oo ku dagaalamay Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo dagaalamaayasha AL-Shabaab iyo Ciidanka Jubbaland ku dhex-maray deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararku waxaa ay tilmaamayaan in dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay degaankaasi, waxaana dadka degaanka […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo dagaalamaayasha AL-Shabaab iyo Ciidanka Jubbaland ku dhex-maray deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay degaankaasi, waxaana dadka degaanka ay soo sheegayaan inay maqlayeen daryanka hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidanka Draawiishta Maamulka Jibbaland ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen AL-Shabaab.

Goorta weerarku dhacayay wxaa la sheegay in dagaalamaayasha Al-Shabaab uu degaankaas uga socday shir. Waxaana saraakiil ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ay sheegeen inay khasaare gaarsiiyeen dagaalamayaashii ay weerareen.

Dagaalkaasi ka dhacay degaanka Buulo Xaaji ayaa socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, islamarkaana waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Latest stories